Addis Ababa: Waftigii uu hogaaminaayay Musarax Cabdiraxmaan Cirro oo kulan la qaatay Raisal Wasaaraha Dalka Ethiopia.

Addis Ababa: Waftigii uu hogaaminaayay Musarax Cabdiraxmaan Cirro oo kulan la qaatay Raisal Wasaaraha Dalka Ethiopia.

Musharax madaxwayne ee Xisbiga Waddani Dr Abdirahman Mohamed Abdilaahi (Cirro), Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X.Xasan, Prof. Alla Bari, Xoghayaha Arimaha Dibada ee Xisbiga Waddani Dr Maxamed Cismaan Fadal, Dr. Maxamed Biixi Yoonis iyo Xoghayaha Murashaxa madaxwayne ee Xisbiga wadsani Baashe, madaxdaa xisbiga waddani waxay kulan la qaatee Raysal wasaaraha Ethiopia Haile mariam Desalegn iyo Wasiirka Arimaha Dibada Ethiopia Dr Workneh Gebeyehu, kulankaasi oo ay kaga wada-hadalaayeen xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, loona sii xoojin lahaa.

waxaanay ka mid ahaa waxyaabihii ay ka wada hadaleen madaxda xisbiga waddani iyo Dawlada Ethiopia ka mid ahaa:
• Sii xoojinta iyo kor u qaadka xidhiidhka labada Waddan ee Somaliland iyo Itoobiya.
• Sii xoojinta iyo fududaynta isku socodka Ganacsiga labada dal.
• Sidii labada dal ay u sii adkayn lahaayeen amaanka iyo nabadgalyada.

Daawo sawirada.

 

Click here for reuse options!
Copyright 2017 Welcome to Hargeisa Web Site

This article was written by admin

Leave a Reply